Markaasuu cirka kor u eegay, wuuna taahay oo ku yidhi, Efata, waxa weeye, Furan

Ciise Masiix wuxuu bogsiiyey nin gacan engegan: “Waxaa sabti kale dhacay inuu sunagogga galay oo wax ku baray; halkaasna waxaa joogay nin gacantiisa midigeed engegnayd. Culimmadii iyo Farrisiintii ayaa fiirinayay inuu sabtida wax bogsiinayo iyo in kale, si https://hookupdate.net/es/brazilcupid-review/ ay ugu helaan wax ay ku ashtakeeyaan. Isaguse wuxuu gartay fikirradoodii; goortaasuu ninkii gacanta engegnaa ku yidhi, Kac oo dhexda isa soo taag. Wuuna kacay oo istaagay. Ciise wuxuu ku yidhi, Wax baan idin weyddiinayaa, Sabtida ma xalaal baa in wanaag la falo ama shar, in naf la badbaadiyo ama in la dilo? Markaasuu isha wada mariyey, wuxuuna ninkii ku yidhi, Gacantaada soo taag. Markaasuu yeelay sidaas, gacantiisuna waa bogsatay. Markaasay aad u cadhoodeen, oo waxay ka wada hadleen waxay Ciise ku samayn lahaayeen” (Luukos 6:6-11).

Ciise Masiix wuxuu bogsiiyey nin ka xanuunsanaya dhibco ( barar, dheecaan badan oo jidhka ku jira): “Maalin sabti ah markuu galay mid ka mid ah kuwa Farrisiinta u sarreeya gurigiisa inuu kibis cuno, waxaa dhacay inay fiirinayeen. Markaasaa Ciise u jawaabay oo kuwii sharciga yiqiin iyo Farrisiintii ku yidhi, isagoo leh, Ma xalaal baa in sabtida wax la bogsiiyo, mise useen. Isaguse, intuu ninkii qabtay, ayuu bogsiiyey, markaasuu sii daayay. Wuxuu iyaga ku yidhi, Kiinnee baa leh dameer ama dibi ceel ku dhacay oo aan maalin sabti ah dhaqso uga soo bixinaynin? Wayna uga jawaabi kari waayeen waxyaalahaas” (Luukos 14:1-6).

Ciise Masiix wuxuu bogsiiyey nin indha la : “Waxaa noqotay markuu Yerixoo ku soo dhowaaday, in nin indha la’ jidka ag fadhiyey oo dawarsanayay, oo goortuu maqlay dadka badan oo ag maraya ayuu weyddiiyey waxaas waxay ahaayeen. Waxay u sheegeen in Ciisihii Reer Naasared ag marayo. Markaasuu qayliyey isagoo leh, Ciise, ina Daa’uudow, ii naxariiso. Kuwa hor uso, laakiin si ka badan ayuu ugu qayliyey, Ina Daa’uudow, ii naxariiso. ray in loo keeno, oo goortuu u soo dhowaaday ayuu weyddiiyey, oo ku yidhi, Maxaad doonaysaa inaan kuu sameeyo? Wuxuu ku yidhi, Sayidow, inaan wax arko. Markaasaa Ciise ku yidhi, Wax arag; rumaysadkaaga ayaa ku bogsiiyey. Kolkiiba ayuu wax arkay, wuuna raacay oo Ilaah ammaanay. Dadkii oo dhanna goortay arkeen, ayay Ilaah ammaaneen” (Luukos -43).

Ciise Masiix wuxuu bogsiiyey laba indhoolayaal: “Ciise intuu meeshaas ka tegayay, waxaa daba socday laba nin oo Indhala, iyagoo qaylinaya oo leh, Ina Daa’uudow, noo naxariiso

Goortuu guriga galay ayay nimankii indhaha la’aa u yimaadeen. Markaasaa Ciise wuxuu ku yidhi, Ma rumaysan tihiin inaan waxan yeeli karo? Waxay ku yidhaahdeen, Haah, Sayidow. Markaasuu indhahooda taabtay isagoo leh, Sida rumaysadkiinnu yahay ha idiin noqoto. ray, oo ku yidhi, Iska jira; ninna yaanu ogaan. Laakiin iyagu way baxeen oo warkiisa ku fidiyeen dhulkaas oo dhan” (Matayos 9:27-31).

Ciise Masiix wuxuu bogsiiyey kii dhega la’aa: “Mar kale ayuu soohdimaha Turos ka soo tegey oo Siidoon maray oo badda Galili yimid, soohdimaha Dekabolisna ayuu soo dhex maray. Markaasay waxay u keeneen mid dhego iyo carrab la’, waxayna ka baryeen inuu gacantiisa saaro. Kolkaasuu dadkii badnaa dhinaca uga bixiyey, oo farihiisa ayuu dhegihiisa ka geliyey, wuuna tufay oo carrabkiisa taabtay. Markiiba dhegihiisa waa furmeen oo carrabkiisii xidhnaa waa debcay, oo si bayaan ah ayuu u hadlay. Wuuna ku amray inaanay ninna u sheegin; laakiin in alla intuu amray, ayay in ka badan sii naadiyeen. Aad iyo aad bay ula yaabsanaayeen, oo waxay yidhaahdeen, Wax walba si wanaagsan ayuu u sameeyey. Kuwa dhegaha la’ wax buu maqashiiyaa, kuwa carrabka la’na wax buu ka hadliyaa” (Markos 7:31-37).

Ciise Masiix wuxuu bogsiiyey nin baras qaba: “Markaasaa waxaa u yimid nin baras leh, wuuna jilba joogsaday oo baryay, oo ku yidhi, Haddaad doonaysid waad i daahirin kartaa. Kolkaasaa Ciise u naxariistay, oo intuu gacantiisa soo taagay, ayuu taabtay oo ku yidhi, Waa doonayaa ee daahirsanow. Kolkiiba baraskii waa ka baxay, oo wuu daahirsanaaday” (Markos 1:40-42).

Related Posts

No related posts.